Maxkamada ciidamada oo Xukun ku riday ragii ka dambeeyay dilka Shaafici Xaaji Diiriye

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukuno kala duwan ku riday labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada oo dhawaan magaalada Dhuusomareeb ku dilay nin dhalinyaro ah oo aad looga yaqaanay magaaladaasi.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo lagu helay in uu si bareer ah u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

Waxa sidoo kale maxkamada ciidamada qalabka sida  Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed C/wali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuum Shaafici.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunkan ayaa sheegay in racfaan ka qaadan karaan xukunkan ku dhacay labada askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -